Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

Informações:

Synopsis

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episodes

  • Wararka raadiyaha Iswiidhen

    12/02/2024 Duration: 02min

    Guddoomiyaha xisbiga Moderaterna ee Västra Götaland, Johan Abrahamsson, ayaa si ku meel gaar fasax uga qaatay howlihiisii. Qoysaska Iswidishka ayaa la baxa lacag caddaan ah oo aad u yar. Seddexdii qofba mid bulshada Sweden ayaa waxa ku sii kordhay walaaca ey ka qabaan dagaal. Bishii Janaayo, 1,110 shirkadood ayaa kacay. Taasi waxay 57 boqolkiiba ka badan tahay bishii Janaayo ee sannadkii hore.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    09/02/2024 Duration: 02min

    Marcus Wandt iyo cirbiyeennadii saddexda ahaa ee la socdey ayaa dib ugu soo laabtay dhulka. Rummaan ku yaalla magaalada Göteborg ayaa dib u eegis ku samaynaysa hab-dhaqankooda shaqo. Agaasimaha guud ee shirkadda tareenada ee SJ Monica Lingegård ayaa maanta sheegtay inaysan ku qanacsanayn dadaallada howleed ee shirkadda SJ ee xilliga jiilaalka. Iyadoo lagu jiro xaalad dhaqaale oo cakiran ayey haddana sadaqada ay bixiso bulshada Sweden kor u kacaysaa.

  • Wararka maan ee Raadiyaha Iswiidhen

    08/02/2024 Duration: 02min

    Telefishanka dalka Ingiriiska ee Channel 4, oo uu soo gaaray qoraalkii sirta ahaa ee dawladda Israa'iil markhaatiga u soo bandhigtay, uu sheegay inaaney ku qornayn wax caddeeynaya eedeeymahaasi. Xukuumadda Sweden ayaa doonaysa inuu dalka Sweden ka qeyb qaato labo dadaal oo laga qabaneyo badda cas. Waxaan bilaash sii ahaan doonin in eedeeyn shirkadaha looga gudbiyo Guddiga dacwadaha guud - Allmänna reklamationsnämnden ee magaciisa loo soo gaabiyo ARN.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.

    07/02/2024 Duration: 02min

    Waxaa halkeedii ka sii socda hoos u dhicii tirada kalluumeeysatada Sweden. Xeerilaaliyaha ayaa iminka jawaab ka heley sababta ka dambeeysay in qoys deggan magaalada Söderhamn la sumeeyey Fiidnimada maanta ayaa la filayaa inuu baraf ka da'o nawaaxiga mandiqadda Östersjön.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    06/02/2024 Duration: 03min

    Wargeeyska Aftonbladet ayaa qoray in caasimadda dalka Masar ee Qaahira lagu qabtay nin ka tirsan shabakadda Foxtrot. Baaristii iswiidhishka ee la xiriirtay qaraxii lala beegsaday tubbooyinkii gaaska ee Nord Stream 1 iyo Nord Stream 2 oo hoos loo dhigi doono. Sarkaal ka tirsan boliiska ayaa dacwad lagu soo oogey. inkastuu iska dheereeyay. Haweeney ku dhaqan Stockholm oo loo xukumey faldembiyeed la xiriira badbaadinta xayawaanka.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    05/02/2024 Duration: 01min

    Laba nin ayaa lagu diley Grimmered ee magaalada Göteborg fiidnimadii Sabtidii la soo dhaafay. Qareen lagu xukumay shan sano iyo badh xabsi ah ka dib markii lagu helay falal gubitaan. Nin ayaa lagu xukumay 8 bilood ka dib markii uu booliska u sheegi waayey in saxiibkii uu gabadh ku xidhay guri dabadeedna dilay.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    02/02/2024 Duration: 02min

    Shirkadda Postnord ayaa doonaysa inay dawladdu hoos u dhigto sida degdegga ah ee loo baahan yahay in boostada loo qeeybiyo. Xisbiga Miljöpartiet ayaa wax ka bedelay mowqifkiisii quwadda korontada ee laga dhaliya Atoomka. Tirada dadka uu ku dhaco Sweden kansarka maqaarka ayaa kor u sii kacaysa iyo dhallinyarta oo in badan kala socon.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    01/02/2024 Duration: 01min

    Shirkadda Stora Enso ayaa u baahan inay keydiso dhaqaale gaarsiisan ku dhowaad hal bilyan oo karoon. Waxaa gebi ahaanba la xaday gambaleelkii kaniisadda klockstapeln oo ku taalla duleedka Tyringe oo dhacda waqooyiga gobolka Skåne. Nin 20-tameeyo jir ah ayaa lagu xukumey kadib markii loo tiigsadey inuu jebiyay xeerka waxyaabaha qarxa ama dabka halista ah dhaliya.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    31/01/2024 Duration: 02min

    Haweenay hore ugu geysatay dil laba carruur ah oo ay dhashay ayaa maanta lagu xukumay xabsi daa'in. Boqol ka mid ah ciidamaada kamaandooysta ee qaybta K3 ee magalada Karlsborg oo cuntada ka soomay dayrtii la soo dhaafay. Godadka ku yaala waddooyin baabuurta ayaa dhaawacyo u geysta gawaarida iyo shaagagoodaba.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    30/01/2024 Duration: 02min

    Isniintii ayaa eey dhawr jeer weerarey carruur lagu diley Göteborg. Ciidammada qalabka sida ayaa markii ugu horreeysay uu soo gaaray agabka difaac ee 23 D. Agabkan difaaca ayaa ah mid ku haboon haweenka. Ninkii curiyey fikirka xeegada kooxda Somalida Patrik Andersson mashruuca ishexgalka uu shil ku dhacay noloshiishii wax weyn ka bedelay.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    29/01/2024 Duration: 02min

    Tobankii qofba saddex ayaa bishii deceember 2023 iibsaday alaabooyin duug ah. Dhallaan dhigta dugsiyo kala duwan ayaa maanta fursad u heli doona iney la xiriiraan cirbixiyeenka iswiidhishka ee Marcus Wandt. Daarta xarunta u ah maxkamadda degmada Södertälje ayay mulkiyadeeda leedahay shirkad uu maamulo nin la sheegay inuu awood weyn ku leeyahey shabakadda dambiilayasha Södertälje.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    26/01/2024 Duration: 02min

    Digniinta casaanka ah ee qulqulka biyaha badan ee Kävlingeån ee gobolka Skåne ayaa weli halkiisa jooga. Wiil 15 jir ahaa ayaa lagu xukumay 12 kiis oo sumcad dil ah, isla markaana inuu bixiyo magdhow dhan nus milyan karoon. Shaqaale boqolaal gaaraya ayaa halis ugu jira iney shaqadooda ku waayaan xafiiska shaqada.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    25/01/2024 Duration: 01min

    Ra'iisul Wasaare Ulf Kristerssons ayaa hadda ka jawaabay martiqaadkii Ra'iisul Wasaaraha Hungary. Magaalada Hörby ee gobolka Skåne, barafkii iyo roobabkii da'ay ayaa keenay in harooyinka iyo durdurrada ay ka sarreeyaan. Afar ayaa loo xiray isku day dil.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    24/01/2024 Duration: 01min

    Midowga Yurub wuxuu adkeeynayaa sharciyada ka ganacsiga dadka. Raii'sul wasaaraha Hungary Viktor Orbán ayaa wadahadal la yeeshay xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg. Dhowr qof ayaa la xiray ka dib howlgal ballaaran oo boolisku ka sameeyeen magaalada Avesta.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    23/01/2024 Duration: 02min

    Kala duwanaanta dakhliga bulshada soo gala oo markii ugu horeeysay aad sara ugu kacaykadib markii cabbirka la bilaabey sannadkii 1975-kii. 7 qof oo waayeel ah oo u geeriyoodey kalluunka nooca Lax-ka. Maamulka degmada Malmö ayaa carrabka u laalaadiyey qorshaha xeerka in nawaaxiyada qaarkood laga abuuro is-baaris.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.

    22/01/2024 Duration: 02min

    Dabeysha badan ee dhacaysa ayaa ka dhigan tahay in wax soo saarka korontada dabayshu ay ku dhowdahay inay jabiso rikoodhada. Tirada ardayda wax ka barata jaamacadaha iyo kulliyadaha ee laga caawiyo autismka iyo ADHD aad ayay u kordheysaa. Wiil 15 jir ah ayaa tooreey lagu dilay xilli uu ku sii jeeday xaflad iskuul.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    19/01/2024 Duration: 02min

    Waa in la dardargeliyo diyaargarowga howlaha caafimaadka ee dalka Iswiidhen si loo wajihi karo haddii uu dagaal ama masiibo ey dalka soo wajahaan. Iswiidhen waxay ka qayb qaadanaysaa dhoolatus wayn oo NATO ah. Afar sannadood oo xarig ah ayaa lagu riday mid ka mid ah horjoogeyaasha goob daryeelka ilkaha ee ku taalla nawaaxiga Stockholm.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    18/01/2024 Duration: 02min

    Muwadin Iswiidhish ah oo da'diisuna tahay 60-dameeyo jir ayaa lagu qabtay dalka Iiraan. Cimilada qabow ayaa halkeedii ka sii wada inay saameeyn ku yeelato safarrada tareennada. Xaalad taagan maahan in dalka Israa'iil laga mamnuuco ka qeybqaadashada sannadka ee tartanka heesaha hirgaley ee Yurub - Eurovision Song Contest oo ka dhici doona magaalada Malmö.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    17/01/2024 Duration: 02min

    Dilaagii boliiska ee Jackie Arklöv ayaan xabsiga la sii deyn doonin sannadaha foodda innagu soo haya. Ey weerar ku qaaday saddex caruur ah muddo gaaban gudaheed ayaa la dili doonaa, sida ay sheegeen maamulka gobolka Halland. Tirada dadka ku dhinta shilalka waddooyinka oo kor u kacday.

  • Wararka maanta ee Raadiyaaha Iswiidhen

    16/01/2024 Duration: 02min

    Shaqo la'aanta oo si aayar ah u sii kordheysa. Calool xanuunka ee carruurta ayaa aad hoos ugu dhacay sannadihii u dambeeyay. Shirkadda soo saarta batariga ee Northvolt ayaa maalgelin balaayiin karoon ah ku samaynaysa Skellefteå.

page 4 from 25