Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

Informações:

Synopsis

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episodes

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    26/04/2024 Duration: 02min

    Aabe looga shakisan yahay inuu labo caruur ah ku dilay degmada Södertälje oo la xidhay. Tirada carruurta Iswiidhen ku dhasha oo yaratay. Dhimashada shilalka gaadiidka oo korodhay. Shirkada SAAB oo shaacisey inay macaashtay qaybta hore ee sanadkan.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    25/04/2024 Duration: 02min

    Laga bilaabo maanta muwadiniinta Iswiidhen ee ku nool dibada way codayn karaan doorashada EU. 19 jir lagu xukumay xabsi daa'in halka gabadh 18 jir ah lagu xukumay 10 sano. Amiirad Victoria oo bilaabaysa layli sarkaal sarre. Kalkaaliso 20 sano ku shaqaynaysay shati la'aan Hor u codeeynta doorashada baarlamanka EU-da oo maanta ka bilowdey Sweden.Wiil 19-jir ah oo xabsi daa'in loogu xukumey maanta dil ka dhacay bartamaha magaalada Stockholm, halka gabar 18 jir ahna loogu xukumey 10 sannadood oo xarig ah isla felkaa.Gabadha iska leh dhaxalka boqortooyada Victoria tababar leyli sarkaal ka bilaabi doonta akadeemiyada difaaca, si ay u qaadato darajada sarkaalad.Haweeney muddo 20 sannadood ah kaga shaqeeyneeysay shati la'aan xirfadda kalkaaliyaha caafimaadka gobolka Jämtland Härjedalen, sida laga soo xigtay telefishanka SVT.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    24/04/2024 Duration: 02min

    Qaraxyada ay geystaan dambiilayaasha ee lala beegsado guryaha fillooyinka iyo dabaqyada ayaa soo badanaya. Shirkadda tareennada SJ oo samayn doonta maalgashi ka dib markii dhaleecayn loo jeediyey. Shirkadaha caymisku waxay leeyihiin shuruudo kala duwan oo ku saabsan dadka la kulma falalka galmada.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    23/04/2024 Duration: 02min

    Booliska mandiqaddaha waqooyiga Iswiidhen oo qariiradayn ku samayn doona raga rabshadaha ka dhanka ah dumarka sameeya. Qareen ka hawlgala Malmö oo xukun lagu ridey. Booliska oo ka digaya nooc cusub oo lagu xadayo xogta dadka.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    22/04/2024 Duration: 02min

    Hal qof ayaa ku dhaawacmay shil wiish Magaalada Göteborg. Sannadihii 2019 iyo 2023 ayey wakaaladda bii'ada shaqada soo gaareen ku dhowaad 31 000 kiis oo la xiriira shilalka ka dhaca goobaha shaqada. Nin lagu tuhunsan yahay kiis tooriyeyn ah oo rumaanka la dhigay. Khalad la xidhiidha shaybaadhka oo ka dhacay cusbitaalka Umea.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    19/04/2024 Duration: 02min

    Laba nin oo boliiska Malmö u gudbiyey dalab bannaanbax hor leh oo lagu gubeyo qur,aanka. Fanaaniin badan oo sheegay iney ka noqdee ka qaybgalka tartanka heesaha hirgalay ee Yurub. Magaalada Haparande oo dhacda waqooyiga sweden ayaa laba nin loo qabtay kaydsiga walxaha qarx oo aad u fara badan. Nimankan ayaa iska dheereeyey iney wax dembi ah galeen.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    18/04/2024 Duration: 02min

    Wakaalada caafimaadka dadwaynaha ayaa aaminsan in dad aad u yar oo waayeel ah laga tallaalay cudurka safmareenka ee covid-19. Carruurta ka codsata waalidiintooda iney lacag ugu soo diraan aaladda Swish-ka ayaa inta badan u fuliya. Hanti dhowrka qarankuoo dhaleecayn ba'an u soo jeedinayaa dawladda. Ciidamada Sweden ayaa badda cas u diri doona ciidammo gaaraya ilaa 25 qof.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    17/04/2024 Duration: 02min

    Habeennimadii talaadadii shalay ayuu gaari bartamaha u galay qolka fadhiga guri ku yaala magaalada Ängelholm. Maanta ayaa ku beegan sannadguuradii labaad kolkii dalka Iiraan lagu xabisay Johan Floderus, isagoona lagu eedeeyey jaajuusnimo. Wakaaladda socdaalka ayaa dalbatay miisaaniyad dheeri ah sidii ay uga soo dhalaali lahayd howlaha xukuumaddu u xilsaartay in dalka laga hirgeliyo kun boos oo lagu hayo dadka waddammadoodii dib loogu celineyo.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    16/04/2024 Duration: 02min

    Boosto laga soo direy dalka Jarmalka ayey ku jireen 87 xabo oo ah bastooladaha korontada ee argagaxa oo kontrabaan ah. Hoos u dhac ayaa ku yimid alaabooyinkii laga iibsan jirey shirkadda xiriirka telefoonnada ee Ericssons. Laba wiil oo da'doodu tahay 17 iyo 18 jirro ayaa la go'aamiyey in rummaanka la dhigo. Baaris cusub ayaa muujisay in keliya kala bar waalidiinta ey ilmahooda kala hadlaan xiriirka iyo galmada.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    15/04/2024 Duration: 01min

    Labo wiil ayaa la xiray todobaadkii dhamaadkiisa kadib markii looga shakiyay inay ku lug lahaayeen dil aabbe loogu geystay xaafadda Skärholmen. Nin 60-meeyo jir ah ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Arlanda, isagoo boorsadiisa ku dhex wata dahab. Soogalootiga ka imanaya bariga Danmark ee soo gaaraya gobolka Skåne waa kii ugu badnaa muddo toban sano ah.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    12/04/2024 Duration: 02min

    Karoonka Swedishka ee daciifka ah ayaa keenay in dalxiisayaasha Danishku ay ku soo qulqulaan Iswiidhen. In haweenka uurka lihi liqaan xanuun baabi'iyaha paracetamol ma kordhinayso khatarta ah in ilmuhu qaado xaaladda autism, ADHD ama naafo maskaxeed. Maxkamada degmada Falu ayaa degmada Falu ka fasaxday inay magdhow siiso waalidka wiil shan jir ahaa oo lagu hayey guryaha dhallaanka lagu xanaaneeyo HBV-hem-ka oo geeriyooday.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    11/04/2024 Duration: 02min

    Shaqa'la'aanta ayaa kor u kacday bishii maarso gaarteyna 6,7 boqolkii, sida ka muuqata tirakoobka cusub ee xafiiska shaqada - Arbetsförmedlingen. Xukuumadda ayaa sannadkan u qoondeeysay difaaca madniga ah misaaniyad dheeri ah oo gaarsiisan 385 milyan oo karoon. Qof looga shakisan yahay inuu ku xad-gudbay sharciga difaaca ayaa la qabtay shalay oo arbaca ah, ka dib markii uu diyaarad drone ah ku duuliyay meel u dhow qasriga boqortooyada ee Stockholm.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    10/04/2024 Duration: 03min

    Taataabashada ayaa u wanaagsan caafimaadka jidhka iyo maskaxdaba, Hogaamiyaha xisbiga Kristendemokraterna Ebba Bush ayaa marar badan hadalka buuq laga geliyey mark ay su'aallo iyo jawaabo furan ku yeelatay baar ku yaalla Göteborg fiidnimadii shalay. Wax-soo-saarka guud ee dalka Iswiidan ayaa kordhay kordhay 0.1 boqolkiiba bishii Febraayo marka loo eego Janaayo. nin 22 jir ah oo lagu eedeeyay in uu gugii hore magaalada Örebro ku dilay saaxiibtiis oo 20 jir ahayd ilmana caloosha ku siiday.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    09/04/2024 Duration: 02min

    In ka badan 34 bilyan oo karoon ayaa sanadkan dib loogu soo celin doonaa canshuur celinta, sida ay sheegtay wakaaladda canshuuruhu. Rag badan oo caawinaad ka doonta sidii looga gargaari lahaa iney joojiyaan rabshada qoyska dhexdiisa ey ka geeystaan. Nin 40-meeyo jir ah oo looqabtay diltoogasho oo markii labaad muddo gaaban ka dhacday magaalada Hesingborg. Jardiino ku taal Göteborg oo looga shakiyay ur maandooriyaha xashiishadda, balse noqday urur basal ka baxda goobtaa.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    08/04/2024 Duration: 03min

    Nin iyo wiil ay xukun maanta ku ridday maxkamadda degmada Uppsala. Booliska ayaa ku andacoonaya in ay ku guuleysteen in ay joojiyaan ku dhawaad 40 fal rabshado ah saddexdii bilood ee la soo dhaafay. Dowladda ayaa 500 milyan oo karoon u qoondeyneysa dugsiyada dalka miisaaniyada wax ka bedelka guga ee sanadka 2024-ka. Korodhka qiimaha cunnada ayaa mar kale joogsaday, marka loo eego sahaminta shabakadda madax-bannaan ee Matpriskollen.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    05/04/2024 Duration: 02min

    Wasaaradda arrimmaha dibadda Ruushka ayaa ku andacootay inuu dalka Sweden qorsheeynayo in Nato ay saldhig ka furanayso Gotland. Guddiga doorashooyinka Miljöpartiet ayaa soo bandhigi doona fikirkooda haweeneyda ey u arkaan inay ka mid noqoto labada hoggaamiye ee xisbiga. Kastamka oo codsanaya gacansiin dadka doonyaha leh sidii lagu ogaan lahaa doonyaha kontarabaanka dalka ku soo geliya. Ma jiro wax xiriir ah oo ka dhexeeya labadii kiis ee jadeecada ee maalmihii u dambeeyey laga heley Göteborg.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    04/04/2024 Duration: 02min

    Ugu yaraan 12 haween ah ayaa lagu diley Sweden saddexdii bilood ee sannadka ugu horreeyey. 600 oo waraaqo la isu direy oo laga shakiyay ayaa kontrool lagu sameeyey, halka 500 oo ka mid ah laga heley naarkootika, dawooyin hormoono ah oo murqaha xoojiya iyo dawooyin aan sharci ahayn. Magaalada Göteborg ayaa laga heley kiis hor leh ee cudurka jadeecada, sida uu qoray wargeeyska Göteborgs-Posten.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    03/04/2024 Duration: 03min

    Habeennimadii xalay oo arbacada maanta soo galeeysay ayaa la jebiyay rikoor 30 sannadood soo jirey ee habeenkii qabowga. Inta badan dhibaatooyinkii gaadiidka ee hawadii barafku sababtay ayaa la maareeyey. Dacwadaha laga soo oogo laaluushka ayaa aad kor ugu kacay waxaana ugu daran gaadiidka iyo laamaha gawaarida. Boliis lagu oogay dacwad inuu sabab u ahaa geeri qof mar gacanta lagu dhigayey sannadkii hore, ayaa la sheegay inuu shaqadiisa sii heeysan doono.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    02/04/2024 Duration: 02min

    Tiro kor u dhaafaysa 12 000 ayaa sannadkii hore loo gudbiyey boliiska tuhun dacwadeed musuq gunnooyinka taageerada dhaqaale. Nin 28 jir ah ayaa maanta lagu soo oogey dacwad la xiriirta sabab u noqosho geeri iyo taxaddar daro gaadiid. Baaraha xukuumadda ayaa soo jeediyay adkeeynta xeerar ceymiska jirrada.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    28/03/2024 Duration: 02min

    Nin 30-meeyo jir ah oo meydkiisa fiidnimadii arbacadii shalay laga heley meel dibadda ah magaalada Katrineholm. Ku dhowaad shan daloolow meel cunnada caalamka laga soo saaro ayaa sannad walba la xooraa, halka dad ka badan 780 malyan aaney heysan cunno ku filan. Dacwad laga gudbiyay shirkadda iswiidhishka ee tubaakada - Swedish Match iyo shirkadda iska leh ee Philip Morris. Haweeney lagu soo oogey dacwad la xiriirta inay 500 oo jeer wacday telefoonka gargaarka degdegga ee SOS (112) 2 sano.

page 1 from 25