Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

Informações:

Synopsis

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episodes

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    20/03/2024 Duration: 01min

    Lagama helin wax maadooyinka qarxa ah duleelka markabkii rakaabka ee khalfoofkii Estoniya. Shirkadda farmashiyada ee lagu magacaabo Hjärtat ayaa dejisay nidaam inaan laga iibin karin alaabooyinka maqaarka lagu daryeelo wixii 15 sannadood ka yar. Gobolka Västerbotten ayay malyuunaad lacag ahi u baaqdeen markuu kafee bilaash ah u soo rogay shaqaalihiisa afar sannadood ka hor.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    19/03/2024 Duration: 02min

    Shirkadaha iswiidhishka ayaa sannadkii 2023 u gudbiyey heyadda yuribiyaanka ee ku shaqada leh, codsiyo xuquuqda dhowrista hindisaha. Si loo soo jiito shaqaale ka howlgala goobaha daryeelka waayeelka ee Skellefteå ayaa loo ballan qaaday kaalmo dhaqaale oo ey ku qaadan karaan leysinka darawalnimo. Laba sannadood ayaa ka soo wareegtey markii lagu dhawaaqey in laga gudbey xanuunkii safmareenka ahaa ee covid-19, hase yeeshee uu dadka weli muhiim u yahay iney is tallaalaan.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    18/03/2024 Duration: 02min

    Koox ka kooban 35 qof ayaa wax kaga cunay oo kaga cabbey lacag gaarsiisan 82,000 karoon maqaayad balse aanan bixin lacagtii. Wiil 16 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu dilay wiil 15 jir ah, dilkaasi oo ka dhacay magaalada. Kooxda u dhaqdhaqaaqda arrimaha cimilada ee loo yaqaan Friday for Future ayaa mudaaharaad ka hor sameeyey intuu uu socday shirka guud ee shariikada diyaaradaha SAS.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    15/03/2024 Duration: 02min

    Heyadda taageerada ee Sida ayaa go'aan ku gaartay inay dib u biloowdo taageeradii ururka qaxootiga falastiiniyiinta ee UNRWA. Heyadda saadaalinta hawada SMHI ayaa bixisay digniinta jaallaha baraf xooggan iyo dabeeylo oo ka dhici doona gobollada Stockholm iyo Uppsala sabtida iyo axadda. Nin 19-jir ah ayaa rummaanka loo dhigey tuhun looga qabo dilkii nin meydkiisa laga heley boorso nawaaxiga Värmdö. Xiisaha loo hayay tartankii heesaha hirgaley Yurub ee sannadka ayaa ah mid aad u sarreeya.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    14/03/2024 Duration: 02min

    Boliiska ayaa saqafyada magaalada Malmö ku meeleeyn doona qalabka duula. Lacagta caddaanka ayaa weli muhiimad ku fadhida. Xisbiyada Moderaterna iyo Sverigedemokraterna ayaa albaabka u furay in dib loo xeereeyo sacadaha macalimiinta. Booliska oo ay haysato dhar la'aan iyo qalab la'aan.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    13/03/2024 Duration: 02min

    Haweeney ku nool nawaaxiga Ångermanland ayaa lagu soo oogay dacwad ah xadgudub aad u daran iyo isku day dil oo ay u geysatay gabadheeda oo dhigata dugsiga xanaanada. Ma cadda haddii - iyo goorta - beerta biyaha Oceana ee Liseberg oo ku taalla magaalada Göteborg dib loo dhisi karo dabkii ka kacay ka dib. Darawalada gaadiidka yar ee xamuulka lagu qaado aaya ah kooxda shaqada ee ugu shilalka badan ee warshadaha.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    12/03/2024 Duration: 03min

    Diyaaradaha dagaalka F17 ee ka soo duulayay garoonka Kallinge ee gobolka Blekinge, ayaa soo gabagabeeyay howlgalkii ugu horeeyay ee Iswidhan oo xubin ka ah NATO. Greta Thunberg oo ay weheliyaan dad kale oo u dhaqdhaqaaqa cimilada, ayaa xannibay jidadka soo gala baarlamaanka. Waxaa jira farqi xooggan oo u dhexeeya qiimaha tallaallada TBE ee u dhexeeya gobollada dalka. Ardayda dhigata dugsiyada dawladda ayaa ka wanaagsan ardayda dhigata dugsiyada madaxa bannaan marka ay u gudbaan jaamacadaha.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    11/03/2024 Duration: 01min

    Madaxda maamullada waaxaha baarlamanka ayaa la siin doono aqoonkororsi la xiriira muqaadaraadka iyo masuuliyadda bii'ada shaqo. Tartanka heesaha hirgaley ee Yurub ayey sannadka u meteli doonaan fannaaniin u dhashay dalka Noorwey. Ciidanka ammaanka ayaa baaris ku haya faldembiyeedyo la xiriira dil iyo meel kaga dhac meyd oo ka dhacay nawaaxiga Värmdö.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    08/03/2024 Duration: 01min

    Toban qof ayaa lagu soo oogay dambiyo maaliyadeed oo halis ah. Faraskii Iswiidhan ugu da'da weynaa ayaa dhintay. Afar qof oo lagu raadjoogay ayaa la dhigay xabsiga, waxa looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dil.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    07/03/2024 Duration: 02min

    Sweden ayaa u soo bandhigtay Israel iyo EU wada xajood la xidhiidha baahida binadamnimo ee ka taagan Qaaza. Sanadkii hore waxa Sweden ku dhashay tiraduu ugu yareyd ee ilmo ay haween dhalaan. Xirfadda ugu caansanayd sannadkii 2022 ayaa ahayd xirfada kalkaaliyaha hoose.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    06/03/2024 Duration: 02min

    Maxkamadda sare ayaa go'aan ku gaartey in aanay ogolaansho siin dacwaddii caanka ahayd ee Hmiid Nouray. Laba ka mid ah dayuurradaha bambooyinka qaada oo laga leeyahey dalka Mareekanka ayaa dulmarey caasimadda Stockholm. Nin 35 jir ah ayaa lagu soo oogey dacwad ka dhan ah oo la xiriirta inuu ka dambeeyay isku day dil.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    05/03/2024 Duration: 02min

    Xasaasiyada geedaha laga qaado ee xiliga gu'ga ama pollen ayaa sannadkan la saadaaliyaya in uu noqon doono mid ka khafiifsan kii sanadkii hore. Bariga Dhexe ayaa ahaa suuqa ugu kobaca badan dhoofinta ee shirkadaha Iswiidhusku sameeyeen sannadkii hore. Dhibaatada ka jirta gelitaanka adeegga sanduuqa boostada dhijitaalka ah ee Kivra ayaa wali barteeda ka sii socota.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    04/03/2024 Duration: 02min

    Qiimaha cunnada ayaa ku socdo koror heerka ugu deg dega badan muddo sannad ku dhawaad. Norway ayaa guul ka gaadhay sanadkan tartanka ee Vasalopp, oo sanadkan 100 jirsaday. Xiddiga usha ku booda ee Armand Duplantis ayaa sidii la filayey ku guuleystay biladda dahabka ee ciyaaraha gudaha adduunka ee ka socda Glasgow. Andreas Kramer ayaa shalay ku guuleystey biladii ugu horeysay abid ee Iswidhan ay ka hesho ciyaaraha adduunka ee tartanka orodada masaafada dhexe ee dhanka raga oo ka socda Glasgow.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    01/03/2024 Duration: 01min

    Dugsi hoose dhexe oo ku yaalla Skövde ayaa maanta loo xiray sababa la xiriira calool xanuun ku yimid ardayda iyo shaqaalaha. Nin ayaa loo xiray tuhuno kharibaad ah ka dib markii uu dab ka kaciyay godka tareenka maro ee garoonka diyaaradaha Arlanda. 143 bisad-duureed ayaa laga yaabaa in la toogto marka ugaarsiga shatiga uu bilaabmo maanta oo Jimca ah.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    29/02/2024 Duration: 02min

    Cisbitaalka Jaamacadda Karolinska ayaa noqdey cisbitaalka toddobaad ee ugu wanaagsan adduunka. Gabadh 15 jir ah oo askari candhuuf ku tuftay ayaa lagu xukumay 30 maalmood oo ganaax ah iyo 8000 oo karoon. Nin saddex jeer galay gegida diyaaradah Arlanda oo la xukumay. Maalintii arbacada tukamada ICA iyo Apotek Hjärta suurtogal may ahayn in card wax lagaga iibsado.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    28/02/2024 Duration: 02min

    Gobolka Östergötland ayaa ku wargeliyay 900 oo qof in shaqada laga joojinayo, sida ay sheegtay laanta idaacadda ee P4 Östergötland. Tirada magangelyo-doonka ee Midowga Yurub ayaa kordhay sannadkii hore, sidaa ayaa muujinaysa warbixin sannadeed cusub. Sannadkii hore, ku dhawaad 100,000 oo carruur ah ayaa muddo ka badan sugay baaritaanka cilmu-nafsiga carruurta iyo dhallinyarada (BUP) marka loo eego 30kii maalmood ee dammaanadda daryeelka.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    27/02/2024 Duration: 02min

    Subaxnimadii Talaadada ayey labo tareen isku dhacayeen magaalada Göteborg halkaa oo ey 10 qof ku dhaawacmeen. Waxaa jira falcelin wanaagsan oo ka imaanasaya wadaammada dariska la ah Iswiidhan ee la xiriirtq ku dhawaaqista ku biiritaanka NATO. Ciyaaryahanka kubaadda cagta Kristoffer Olsson oo xanuunsanaya.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    26/02/2024 Duration: 02min

    Maanta ayay bilaabatay maxkamadeynta dilkii loo geystay hooya hogaamiye kooxeed ka tirsanaa shabakada Foxtrot dayrtii hore. Tan iyo markii sharciga cusub ee dhageysiga taleefoonada uu dhaqan galay 1-da Oktoobar ee sanadkii hore, in ka badan 30 qof ayaa la xiray. Maamulka dawladda Danmark ayaa go'aan ku gaaray inuu xiro baaristii qaraxyadii ka dhacay tubbooyinkii gaaska ee Nord Stream 1 iyo 2. Tirada dadk geeriyooda iyaga oo qaal lagu leeyahaa noloshooda ayaa kor u kacday.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    23/02/2024 Duration: 03min

    Hungary ayaa Sweden ka iibsanaysa afar diyaaradood oo nooca JAS Gripen ah. Labo nin ayaa lagu xukumay xabsi daa'in, kadib markii lagu helay dambi ah inay dil u geysteen aabe 39 jir ah. Xukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna ayaa deg deg u baadhi doona in mar kale loo ogolaan doono in Sweden in laga soo saaro macdanta Yuraaniyaamka. Faafida Covid-19 oo aad hoos ugu dhacday

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    22/02/2024 Duration: 02min

    Hay'adda sirdoonka ee wakaaladda difaaca Iswiidhen ee FRA ayaa hanjabaadyada badan oo ku soo biiray Sweden ku qeexday inay yihiin dabeylo duufaan. Hay'adda laanta socdaalku waxay diidi doontaa qiyaastii 300 oo codsi ogolaansho shatiga shaqada. Nin 20 jir ah oo bishii Jannaayo ka baxsaday guryaha lagu hayo dhalinyarada ee SIS, ayaa boolisku xidhay. Hilib caydhin iyo cunto badan ayaa sababay in ey yari ku dhinto magaalada Malmö.

page 2 from 25